Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa geysay iyo dagaal laga cabsi qabo inuu ka qaarxo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu ciidamo farabadan u diray difaaca buuraaleyda Galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadaasi ay ka qeybqaadan doonaan difaaca loogu jiro ka hortaga duulaan maamulka kaga imaada dhanka al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamadan oo isugu jira qeybo kala duwan ayaa waxaa Saldhigyo looga dhigay Buuraha Galgala, si ay uga mid noqdaan kuwa dagaalka kula jira al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamadan ayaa sidoo kale u diyaarsan qaadista weeraro lagu durjinaayo maleeshiyaadka oo iyagu u muuqda inay kasoo siqeen dhufeysyadii ay horay u joogi jireen.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa la xaqiijiyay inay ku hubeysan yihiin gaadiid aan tiradooda la xadidin oo ka kala baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dagaal culus ay ku qaadi doonaan Shabaabka iyo Daacish-ta ku sugan buurahaasi, maadaama ay sheegen in cabsi ay soo wajahday shacabka ku nool magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lasoo warinayaa in maleeshiyaadka ku sugan buuraha Galgala ay kasoo baxeen goobihii ay ku sugnaan jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

The post Puntland oo ciidamadii ugu badnaa geysay iyo dagaal laga cabsi qabo inuu ka qaarxo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this