Sign in to follow this  
Deeq A.

Cayaarta Final-ka ee Koobka Kooxaha Maamul-goboleedyada dalka oo Goor-dhaw billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland_vs_Jubbaland.jpg?resize=814%2C4Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium ka billaabatay cayaartii kama dambeysta ahayd [Final-ka], Koobka Kooxaha maamul-goboleedyada Somalia, taasoo ay Cayaarayaan kooxaha Puntland iyo Jubbaland.

Labada xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana koox walba ay isku dayaysaa galabta inay koobka loo tartamayo galabta ay iyadu hanato, iyadoo la xusuusto in koobkan ay sannadkii hore qaateen xulka Puntland.

Cayaartana ayaa waxaa daawanaya taageerayaan fara badan oo ka kala socda labada maamul-gobleed iyo dadweyne kale oo Reer Muqdisho ah; waxaana cayaarta galabta ay soo af-jaraysaa cayaarihii ay toddobaadyadan cayaarayeen kooxaha maamul-goboleedyada dalka.

Haddaba; DAAWO Cayaarta Final-ka ah ee Koobka Maamul-goboleedyada;

Puntland Vs JubbalandTartanka Maamul gobaleedyada iyo gobalka banaadir Final

Posted by Gool FM on Friday, December 22, 2017

PUNTLAND POST

The post Cayaarta Final-ka ee Koobka Kooxaha Maamul-goboleedyada dalka oo Goor-dhaw billowday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this