Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Somalia oo khaarijiyay laba maxbuus oo xilal waaweyn ka hayay al-Shabaab (Magacyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo dhexmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska iyo Maleeshiyaadka al-Shabaab kaa oo ka dhacay degaan u dhow Alifow oo hoosyimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid qaraaran ayaa waxa uu yimid kadib markii maleeshiyada al-Shabaab ay dhexda u galeen Ciidamo ka tirsan Kumaandooska oo watay gaadiid dagaal.

Maleeshiyada ayaa ciidamada wadada ugashay xili ay  galbinayeen Maxabiis ka tirsan Al-shabaab, waxa ayna Saraakiisha ciidamada daboolka ka qaaden in dagaalka lagu dilay laba Maxabuus oo horey ay gacanta ugu hayeen Ciidamada.

Saraakiisha ayaa sheegay in dilka labada maxbuus ee al-Shabaab uu yimid kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan inta uu socday dagaalka.

Saraakiisha ayaa intaa raacisay in maleeshiyaadka weerarkooda uu ahaa mid ku qotomay badbaadinta labada maxbuus.

Labada Maxbuus ee ciidamada ay dileen ayaa waxa ay kala ahaayeen Kalar Maadow Caliyow oo Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Shabeellaha Hoose iyo C/laahi Xasan oo u qaabilsanaa La-taliyaha Sarkaalka Al-shabaab ee Gobolka shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, Saraakiisha Kumaandooska waxa ay xaqiijiyeen in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka furteen Hub iyo Gaadiid ay kusoo duulaan tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kumaandooska Somalia oo khaarijiyay laba maxbuus oo xilal waaweyn ka hayay al-Shabaab (Magacyada) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this