Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Jawaari oo Xeer ilaaliyaha Qaranka u diray Warqad Jawaab celin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka jawaab celiyay qoraal ay dhawaan usoo dirtay Xeer ilaalinta Qaranka Somalia.

Jawaari ayaa qoraalka Jawaab celinta ah u diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir, waxa uuna ku cadeeyay inay Jawaab u tahay warqad codsi ah oo ku saabsaneyd xasaanad ka qaadida Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdi saabir Nuur Shuuriye.

Warqadan oo ka koobneyd Saddex bog ayaa waxa ay ku taariikheysneyd 19-ka bishan December 2017-ka.

Jawaabta warqada ayaa waxaa lagu qeexay go’aan kasoo baxay fadhi ay 18-kii bishan Guddiyada Joogtada ka yeesheen warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha.

warqad-1.jpg?w=696

warqad-2.jpg?w=696

warqad-3.jpg?w=696

The post Akhriso: Jawaari oo Xeer ilaaliyaha Qaranka u diray Warqad Jawaab celin ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this