Deeq A. Posted December 21, 2017 Wasiirka Dastuurka Soomaaliya cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay weheliyaan Wasiirada Dastuurka dowlad Goboleedya dalka iyo guddoomiye ku xigeenka gobola Banaadir,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Wasiirka Dastuurka Puntland iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaraddiisa ayaa wefdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe,waxaana ujeedka wefdigaan ayahay shir weyne ku saabsan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo Maalinta berri ah ka furmi doona Garoowe. Shirka oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa si gaar ah looga hadlayaa turxaan-bixinta Dastuurka dalka,waxaana ka qaybgalaya dhamaan Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Bishii May ee sannadkaan,Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada ayaa samaystay madal ay ku midaysan yihiin,kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Madasha ayaa loo as-aasay sidii looga fogaan lahaa khilaaf ku saabsan Dastuurka oo ka dhex abuurma dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,balse waxaan xilligaas Madasha ku jirin oo haatan ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir. PUNTLAND POST Quote Share this post Link to post Share on other sites