Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ka dhan ah go’aankii Trump.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii Maanta si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar burinaya go’aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday magaalada Qudus.

128 dal ayaa u codeeyey qaraarka,sagaal waddan ayaa diiday,halka 35 dal ay ka aamustay,kadib kulan deg deg ah oo Goluhu ku yeeshay magaalada New York gelinkii dambe Maanta.

Qaraarka loo codeeyay ayaa ku baaqaya in la buriyo go’aan kasta oo wax ka beddelaya xaaladda haatan ay ku sugan tahay Qudus,inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin madaxweyne Trump,sidoo kale wuxuu dalalka ku boorrinayaa in aanay wax safaarado ah ka furan magaalada Qudus.

Maraykanka iyo Israel ayaa cambaareeyey dalalka u codeeyay qaraarka.

PUNTLAND POST

The post Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ka dhan ah go’aankii Trump. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this