Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur” ”Wuu Dhamaaday Xiligii Qoriga Dadka Loogu Hanjabi Jiray “

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta maxkmada Gobolka Banaadir wax dambi ah ku weeysay ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu horeeyn u mahad ciliyay dhamaan cid kasta oo sii deeyntiisa ka qeeyb qaadatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dalkaaan uu ka soo gudbay xiligii qoray caaradiisa la isku maamulayay.

“Waxaan rabaa in aan madaxda sare dalka u sheego  Dalkaan waa laga gudbay xiligii quri caaradiisa lagu muquuninayay Dalkaan Xili Dib loo Ciliyo ma Joogo Dastuurka ayaa ka Taliya Dalka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay kula xisaabtamaan madaxda dalka jabinta dastuurka dalka u yaalo oo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay jabiyeen.

Hoos ak Dhageyso Codka Cabdiraxmaan Cabdishakuur..

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur” ”Wuu Dhamaaday Xiligii Qoriga Dadka Loogu Hanjabi Jiray “ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this