Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Hadii dambi lagu waayey, YAA ka Masuul ah Weerarkii lagu qaadey…

Recommended Posts

Deeq A.   

25446455_305603189934093_303578603376827

Maxkamadu waxay maanta cadeysay in dambiga lagusoo oogay Cabdiraxmaan Cabdiskuur uu yahay Waxba kama jiraan laakiin Maxkamadu kama hadlin cida qaadaneysa Masuuliyada Weerarkii lagu qaadey gurigiisa iyo Maalmuhuu xabsiga ku jiray.

Dhinaca kalena Cabdiraxmaan qudhiisu wali kama uusan hadal waxa xiga siideyntiisa iyo inuu Maxkamadu lasoo fuuli doono cida masuulka ka ah xarigiisa iyo dilkii loo geystey ilaaladiisa.

Wasiirka Amniga, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Afhayeenka Wasaarada Ambigu waxay saxaafada ka sheegeen in Malaayiin Dollar lagasoo ururshay guriga Eedeysane Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa say Hadalka u yiraahdeene, LAAKIIN waxaa maanta la cadeeyey in guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan wax lacag ah lagusoo qaban, Waxay kaloo Maxkamadu cadeysay in Dhamaan dambiyadii ay Dowladu kusoo eedeysy aysan Waxba ka jirin.

Hadaba su’aasha hada taal WAA Yaa ka dambeeyey Xariga Ina Cabdishakuur iyo eedeymaha lagusoo eedeyey, Sharciga ay Xukuumada iyo Xeer illaaliyuhu u adeegsadeen Xarigiisase Ma yahay mid qabanaya Cida masuulka ka ah Xarigiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa 18 bishaan Decembar waxaa xiray Dowlada Federaalka oo ku eedeysay Qaran Dumas, Waxaa Xalay Xabsiga kasoo daayey Odoyasha Beeshiisa iyo Odoyassha Beesha Wasiirka Amniga, lamana oga Heshiis hoosaadka ay Labadaan Berlins kusoo daayeen Soyaasiga.

Saaka ayaa Maxkamadayntiisii la sugayay ay Maxkamadu cadeysay in uu dambi laawe uu yahay oo isagu dhibane yahay dhib loo geystay.

Puntlandi
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this