Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo siidaysay Sheikh Dabcasar kuna amartay inuu isaga baxo Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

hqdefault-1.jpg

Booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daayay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo ku magac dheer Sheekh Dabcasar kaddib markii ay dhawaan kasoo xireen hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa.

Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa isla maanta la geeyay Dabcasar, waxaana lagu amray inuu si degdeg ah uga baxo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada Somaliland.

Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inuu mar dambe Live kasoo galo Facebook-giisa oo uu ka hadlo arrimaha Somaliland iyo qadiyadeeda, inta uu Hargeysa ku sugan yahay.

Dabcasar ayaa dhowaan jirdil loogu geysto Hargeysa kadib markii uu ka hadlay arrimo la xiriira Soomali weyn, arrintaas oo Somaliland ay si weyn uga carootay, waxaana kadib lagu tuuray xabsi.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this