Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo Magac Dheeree Dabcasar.

Sheekh Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka ka xeeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa.

Ciidamada ayaa u geeystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay.

25550425_754577581407029_614282565595574Dabcsar oo Jirdil Ay u geeysteen Ciidamada Soomaaliland isbitaal koo Jiifiyay

ugu dambeeyntii Soomaaliland ayaa sii deeysay Sheikh Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha Social Media .

Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid.

Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland

Maamulka Soomaaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this