Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- (SAWIRRO) Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal balaaran ka sameeyay buuraha Galgala kuna dilay 20 kamid ah argigixisada Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada madarshoon, Karin Xagarood iyo Mariidleee Buuraha CalMadow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay ka tacsiyeynayaan geerida laba sarkaal oo ciidanka PSF kaga shahiiday miino shalay kula kacday waddada u dhexaysa Madarshoon iyo Galgala iyaga oo ku jira waajib qaran oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,waxayna Ilaahay uga baryeen labadaas sarkaal ee ciidanka PSF ka shahiiday in Allah uu ka aqbalo shahaadada kana waraabiyo jannatul firdowsa qoyskoodii, qaraabadoodii, ciidankoodii ,dawladda iyo shacabka Puntland na samir iyo iimaan ka siiyo.

Hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada PSF wadaan ayay sheegeen inay sii socon doonaan ilaa cadowga laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba.

25446455_305603189934093_303578603376827 25508092_305603046600774_260768180226630 25591731_305603099934102_867561904646878 25497955_305603066600772_653487968655182

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this