Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux ku dhaawacantay gaari dad ku der-deray isgooys mashquul badan oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi.

Booliiska ayaa intaasi ku daray in xabsiga la dhigay dareewalkii gaariga iyo nin kale oo la socday,islamarkaana baaritaan ku socdo,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin.

Mas’uuliyiinta gawaarida gurmadka deg degga ah ee gobolka Victoria ayaa sheegay in ay isbitaalka geeyeen 13 ruux oo dhaawac ah,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ay arkayeen dadweyne kala cararay iyo dhaawacyo dhulka yaalla ,kadib markii gaariga oo xawli ku socdaa isgoyska soo galay.

Ilaa iyo hadda ma cadda  in weerarkaan ahaa mid argagixiso iyo in kale.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net

 

The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this