Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka AMniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay weerarkii 17kii Bishan Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Wasiir Islow oo ka hadlayay madashii xalay lagu siideynayay C/Raxmaan C/Shakuur ayaa yiri “Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana bixineynaa”.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ay ku dhinteen 5; Qof ku qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay la sii daayay.

Maanta ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u fariisaneysaa kiiska C/Raxmaan iyada oo Xarunta Maxkamadda ay ku wada suganyihiin Xeer ilaalinta dowladda iyo Qareennada Difaacaya C/Raxmaan.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this