Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u heysato kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xildhibaanno la shaqeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maanta mar kale maxkamad la soo taagayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya caddeymaha loo hayo denbiyada lagu soo oogay.

Xogta la helayo ayaa qeexeysa in xeer ilaalinta ay u gacan galeen macluumaad ku saabsan qorshihii afgembiga siyaasadeed ee ay ku howlanaayeen xubno ku xiran Imaaraadka oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, xidhibaanno iyo madax hore.

Caddeynaha ugu muhiiimsan waxaa ka mida:

1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada.

2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay.

4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur.

Lama oga in Xeer ilaalinta ay adeegsan doono caddeymahan oo dhan iyo in qaarkeed ay soo bandhigi doonto, inkastoo xildhibaannada kiiskan ku jira ay weli xasaanad heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u heysato kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xildhibaanno la shaqeeya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this