Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyda oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhalatay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay Maanta war ka soo saaray xasaradda ka dhalatay xarigga siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur oo xabeenkii Axadda Ciidanka Nabad Sugidda Qaranku ay soo qabteen,kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Madasha ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horrayn tacsi loogu diray dhamaan intii wax ku noqotay weerarkaas,sidoo kale golaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay weerarka,taasoo haddii aan si deg deg deg ah loo xallin saamayn xooggan ku yeelan karta deganaanshaha iyo xasiloonida.

Golaha ayaa ka digay in denbi laga dhigo ra’yiga siyaasiyiinta iyo in awoood ciidan loo adeegsado dadka afkaartooda u cabbiraya sida Dastuurku qabo,wuxuuna si gaar ah uga digay in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Militariga loo adeegsado arrimaha madaniga ah.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran.

Qoraalka.png?resize=439%2C600

The post Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyda oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhalatay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this