Sign in to follow this  
Deeq A.

MaxkamadeyntaC/raxmaan C/shakuur oo bilaabatay iyo Safaaradda Ingiriiska oo Maxkamadda….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)  –  Waxaa Maxkamadda Gobalka Banaadir goor-dhaw ka furmay Maxkamadeynta Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay si Damaanad ah lagu sii daayay.

Xeer ilaalinta ama Dacwad ogayaasha C/raxmaan ayaa maanta laga sugayaa in ay Maxkamadda hor keenaan Cadeymo la xariiro Dacwada C/raxmaan waxaana Goobta ku sugan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Barlaamanka Soomaaliya.

Sawirada laga soo qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muujinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay garabkiisa fadhiyaan  xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku heybta ah.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo   inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur diiday qaab xeer jajab ah oo la doonayay in kiiskiisa lagu xaliyo, iyadoo aan Maxkamad la aadin, balse waxaa uu ku adkeystay in Maxkamad lagu kala baxo.

Odayaal, siyaasiyiin, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa dadaal u galay sidii loo sii deyn lahaa, kaddib is afagarad laga gaaray xaaladihii ku wareegsanaa eedeyntiisa.

Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa kuu biirtay Safaaradda dalka Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda Gobolka Banaadir soo gaaray xubno kamid ah Safaaradaas.

Qarreenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Maxkamadda ay furantay maantana ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dhinac u dhacdo dooda taagan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

25445978_10155624425414342_133950484079525551956_10155624425834342_739167627071625498060_10155624425824342_891485887816925552094_10155624425844342_7172937008230

25498195_10155624368689342_188703939111925550603_10155624371239342_793959396094525498426_10155624369079342_8204524900200

The post MaxkamadeyntaC/raxmaan C/shakuur oo bilaabatay iyo Safaaradda Ingiriiska oo Maxkamadda…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this