Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay Mucaaradka ku qasayaan Siyaasada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa mowjado Siyaasadeed oo ay ku kicinayaan dowlado dhowr ah kuwaa oo is garabtaagaya dhinacyada Mucaaradka.

Mowjadaha ku furan dowlada ayaa waxaa qeyb ka ah dhinacyo mucaarad ah oo ka kooban labada Baarlamaanada ee dalka iyo Siyaasiyiin miisaan leh, waxaana adkaaneysa in la kala dilo.

Dhinacyadan ayaa waxaa fangareynaaya dowlado dhowr ah oo dhaqaalaha u marinaaya dowlada Imaaraadka oo iyadu cadeysatay dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia.

Dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya mucaaradka oo qaarkood daaha gadaashii ka qasaaya Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kamid ah:

Dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya oo dhamaantooda dhaqaalaha loo adeegsanaayo dhibaateynta Somalia u marinaaya Imaaraadka Carabta.

Dhaqaalaha ay bixiyeen dowladahan ayaa waxaa kamid ah tan la sheegay in laga soo saaray Hooyga CC Shakuur oo dhawaan ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada.

Dowlada Somalia ayaa ka gaashamaneysa faragalin kaga imaada dowlada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu qaska Somalia u sameynaaya Kheyraadka ku jira dhulka aawgii.

Dhinaca kale, Dukumiintiyo ay heshay dowlada Somalia ayaa muujinaaya in dowlada Imaaraadka ay shaqsiyaad gaara u ballanqaaday inay gaarsiin doonto heer Madaxweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay Mucaaradka ku qasayaan Siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this