Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Xaaf oo si cajiiba uga hadlay qaabka ay kusoo damiinteen CC Shakuur (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘’Xaaf’’, ayaa ka hadlay go’aanka lagu sii daayay C/raxmaan C/Shakuur oo u xirnaa dowlada Somalia.

Xaaf oo u waramaayay Idaacada KKN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wakhti badan ay ku bixiyeen deysmada C/raxmaan C/Shakuur, waxa uuna cadeeyay in deysmadiisu tahay damaanad.

Xaaf waxa uu sheegay in deysmada C/raxmaan C/Shakuur ay ka qeybqaaten Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay wehlinayaan Hogaamiyayaasha qaar ee ka tirsan maamul Goboleedyada dalka.

Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa ku daray in C/raxmaan C/Shakuur aan lagu sii adkeyn shuruudaha, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in laga mamnuucay shirarka.

Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay inay u badan tahay in manta oo khamiis ah C/raxmaan C/Shakuur lasoo taago Maxkamada, isagoo cadeeyay in inta badan howlaha hoose ay sii socon doonaan.

Haddalka Xaaf ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur uusan ka safri Karin dalka inta ay kasoo dhamaaneyso dacwadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Hogaamiye Xaaf oo si cajiiba uga hadlay qaabka ay kusoo damiinteen CC Shakuur (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this