Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta mar kale la maxkamadeynayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xalay ay dammaanad ku siidaysay dowladda Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah maxkamad la soo taagaya,sidauu xaqiijiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo uu ka tirsanaa.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Kamal Guutaale ayaa u sheegay VOA-da in saaka oo Khamiis ah maxkamad la horgeyn doono Cabdiraxmaan cabdishakuur oo loo haysto dacwad ku saabsan Khiyaano qaran.

Dhinaca kale qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa sheegay in lagu soo war geliyay in Maanta oo khamiis ah la maxkamadeynayo,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu waayi doono denbiyada loo haysto.

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta mar kale la maxkamadeynayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this