Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney qaadeen weerarka dagaalkaan, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacay Buunadada degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Waa habeenkii Labaad ee Al-shabaab ay soo weeraraan degmada Afgooye, iyadoo habeen kahor sidan oo kale usoo weerareen degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi ay rideen madaafiic.

Maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this