Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Soomaaliya oo isku dayaya inay mooshin ka geeyaan Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay mooshin xilka looga tuuray ka geeyaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay sii kordheyso qalqalka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo labo bilood ah fasax galay ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada waxa ay doonayaan in dib loo furo arrimo deg-deg ah awgeed, sida uu Xildhibaan Mahad Salaad u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

“96 xildhibaan ayaa weydiistey guddoomiyaha baarlamaanka inuu dib u furo baarlamaanka si loo bilaabo eedeymo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo,waxaana lagu eedeynayaa madaxweynaha  inuu ku xad gudbay dastuurka,qayaano qaran,burburin dowladii federalka iyo arrimo kale.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.

Hase yeeshee qoraalka lagu codsanayo dib u furista baarlamaanka ayaan loo geyn inay gaartay afhayeenka Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 mudane ayaa laga doonayaa in marka saddex loo qeybiyo labo kamid ah ay xilka ka qaadi karaan Madaxweynaha.

Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin  u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada.

Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah.

“Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah

Bishii August ee sanadkan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan ayaa waxa ay ku dileen illaa toban ruux deegaanka Bariire, weerarkan ayaa muran iyo carro badan dhaliyay.

Milatariga Maraykanka ayaa ku tilmaamay dadkaas la dilay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ahaayeen dad rayid ah.

Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa ka heshay amaan diblumaasiyiinta dadaalada ay ka sameysay ka hortagida musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada milatariga iyadoo hay’ada lacagta adduunkana ay ku amaantay dib u habeynta ay dowladu sameysay.

Hase yeeshee dhinaca gudaha ayay dowladu ka wajahaysaa mashaakilaad. Dowlada ayaa shaqada ka erisay saraakiil sarsare oo dhinaca amniga ah

Alshabaab oo ku xeel dheer ka faa’ideysiga kala qeybsanaanta beelaha ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah waxaana qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalo madaxda Muqdisho uu galaaftay illaa shan boqol oo ruux.

Khilaaf ka dhex jira dowladaha Qadar iyo Imaaraadka oo labaduba taageera xukuumada Soomaaliya ayaa ka dhex dhaliyay khilaaf xukuumada federalka iyo maamul goboleedyada taasoo dhaawacday sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka.

Bishan December ayay dowlada Maraykanka waxa ay ku dhowaaqday inay joojinayso gargaarkii ay siin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq.

Xigasho: Reuters

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xildhibaanada Soomaaliya oo isku dayaya inay mooshin ka geeyaan Madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this