Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Damiintay Cabdiraxmaan Cabdishakuur? (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda ONline) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen:

  1. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  2. Maxamed Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare
  3. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed
 C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Yaa Damiintay Cabdiraxmaan Cabdishakuur? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this