Sign in to follow this  
Deeq A.

Ded deg: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dammaanad lagu siidaayey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaliya ayaa goor dhoweyd dammaanad ku sii daysay Siyaasi cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo Habeenkii Axadda lagu soo qabtay weerar ay Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ku qaadeen gurigiisa.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ayaa yimid kadib markii magaalada Muqdisho laga dareemay kacdoon ka dhan ah madaxweyne Farmaajo oo ay horkacayan xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay cabdiraxmaan cabdishakuurs,sida aan xogta ku helnay.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday in ay siidayso Siyaasigaan si loo qaboojo kacdoonka Beesha uu ka dhashay oo la sheegay in ay ciidamo urursi bilowday.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxammed oo kulan la qaatay odoyaasha dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa ku qanciyey in ay xaaladda dejiyaan oo ay qayb ka noqdaan wada-xaajoodka markii dambe lagu siidaayey Siyaasiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa loo haystay dacwad ku saabsan qiyaano qaran,waxaana shalay la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho,laakiin xaakimka ayaa dalbaday in caddeymo loo keeno dacwadda.

Muddo 24 saac ah oo uu xaakimku qabtay ayaa dhammaatay,iyadoo aan maxkamadda lagu celin,taasna waxay xeer ilaalintu cudur daar uga dhigtay in warqadda maxkamaddu ay subaxnimadii Arbacada soo gaartay,waxaana dhegaysiga dacwadda loo dib dhigay Khamiista berri ah,inakstoo caawo damiin lagu siidaayey.

PUNTLAND POST

The post Ded deg: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dammaanad lagu siidaayey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this