Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News : – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xoriyadiisii dib u helay, laguna wareejiyey Odayaasha Dhaqanka Hawiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharax-Cabdiraxman-Cabdishakur-533x300
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in daqiiqado yar ka hor wakhtiga magaalada Muqdishu markuu ahaa 11:40 habeen xoriyadiisa dib u helay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo labdii maalmood ee ugu danbeeyey u xirnaa madaxda dalka ugu sareeya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa caawa lagu wareejiyey 40 xubnood ka tirsan Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye,kuwaas oo si adag u dalbaday in xoriyadiisa shakhsiga ah loo soo celiyo Siyaasiga Somaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyagoo kulan ay la qateen maanta Raisal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ay u sheegeen in aanu Cabdirxamaan wax denbi ah qaranka ka gelin, lakiin uu u xiran yahay fikirkiisa siyaasiga ah oo kaliya.

Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa magaalada Muqdisho ku soo kordhiyey khalkhal iyo culeys siyaasadeed iyo mid amni

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this