Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Soomaali lagu laayey dalka Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in baaritaanno madax-bannaan lagu sameeyo rabshado todobaadkii hore ka dhacay dalka Ethiopia,kaasoo lagu dilay in ka badan 60 ruux oo Soomaali ah.

Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in colaadda u dhexaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada”ay dhalisay dhimasho badan iyo burbur hantiyeed”,waxaana walaac laga muujiyey in colaaddu sii xoogaysato.

Warka uu soo saaray Midowga Yurub ayaa ku baaqay in”baaritaanno madax-bannaan” lagu sameeyo dhammaan rabshadihii dhacay ,gaar ahaanna dhacdadii lagu dilay 61 ruux oo Soomaali ah.

Colaadda ku salaysan soohdinta ayaa muddo dheer u dhexaysay qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada,taasoo keentay in marar badan ay dagaallo qaraar dhexmaraan.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Soomaali lagu laayey dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this