Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaakim ku sugan Maraykanka oo joojiyey in la musaafuriyo 92 qof oo Soomaali ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaakim ku sugan gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa joojiyey in la musaafuriyo 92 qof oo Soomaali ah,kuwaasoo la sheegay in waaxda Socdaalka Maraykanka ay muddo 48 saac ah ku xirtay diyaarad gudaheed,kadib iskuday fashilmay oo lagu doonayey in Soomaaliya loo musaafuriyo.

Garsooraha oo lagu magacaabo Darrin Gayles ayaa joojiyey in la musaafuriyo,kadib markii qareennada u doodaya dadkaan ay soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah,Waaxda Socdaalka Maraykanka oo ay ku eedeeyeen in ay”si banii’aadannimada ka baxsan” ula dhaqmeen 92-da qof oo ay muddo 48 saac ah diyaarad ku dhex xannibtay.

Dadkaan oo ay ku jiraan qaar sannado badan ku noolaa Maraykanka, ayaa 7 bishaan Dec loo musaafuriyey Soomaaliya,laakiin waxaa dib loogu celiyey Maraykanka kadib markii diyaaraddii sidday ay cillad ku timid xilli ay transit ku ahayd garoonka diyaaradaha magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Qaar kamid ah 92 ruux ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka Maraykanka ay ku amreen in aysan ka soo bixin diyaaradda muddo 48 saac ah,taasoo jirkooda ku keentay xanuun saa’id ah iyo dhiig-roor ku yimaaday kala-goysyada. Sidoo kale waxay sheegeen in lagu khasbay in ay ku kaajaan kuraastii ay fadhiyeen.

PUNTLAND POST

The post Xaakim ku sugan Maraykanka oo joojiyey in la musaafuriyo 92 qof oo Soomaali ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this