Saldhig ay ku leeyihiin kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Calmadow Deegaanka Madarshoon oo qiyaastii 30 KM ka durugsan tuulada Galgala ayaa xalay saqdhexe waxaa weeraray ciidamada amaanka Puntland ee PSF, waxaana wararku sheegayaan dagaal culus inuu halkaas ku dhexmarey labada dhinac Alshabab iyo Ciidanka. Sarkaal ka tirsan ciidanka ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in lagu dilay weerarkan ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyadda Alshabab oo ay ku jiraan saraakiil Ajnabi ah, wuxuuna sheegay i