Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo dilay ku dhawaad 20 ka tirsan Alshabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Saldhig ay ku leeyihiin kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Calmadow Deegaanka Madarshoon oo qiyaastii 30 KM ka durugsan tuulada Galgala ayaa xalay saqdhexe waxaa weeraray ciidamada amaanka Puntland ee PSF, waxaana wararku sheegayaan dagaal culus inuu halkaas ku dhexmarey labada dhinac Alshabab iyo Ciidanka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in lagu dilay weerarkan ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyadda Alshabab oo ay ku jiraan saraakiil Ajnabi ah, wuxuuna sheegay inuu kooban yahay khasaaraha dhinacooda.

Dhinaca kale warar madax banaan oo laga helayo Galgala ayaa sheegaya jiritaanka gaari ciidanku leeyahay oo miino la kacday maanta ayna ku dhinteen ka mid ah askarta.

Kala soco PUNTLAND POST  wixii faahfaahin ah.

The post Ciidanka Puntland oo dilay ku dhawaad 20 ka tirsan Alshabab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this