Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xustay Ololaha ka hortaga Umul-raaca hooyada [CARMA]

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa sannadkii saddexaad maamuustay maalmaha loo asteeyay ka wacyigalinta bulshada sidii loo yaran lahaa Umul-raaca hooyada ee waqtiga Dhalmada.

Madaxweyne Gaas ayaa Saddex sano ka hor ku dhawaaqay Barnaamij loogu magac daray [CARMA], kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu yareeyo dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka, kasoo ay saacidaysay hay’adda UNFPA.

Xaflad lagu qabtay Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, ayaa lagusoo bandhigay warbixino, khudbadao ka hadlaya, sidii loo yaran lahaa dhibaatada xilliga dhalmada soo gaartay hooyooyinka.

Madaxa UNFPA ee Soomaaliya, NIKOLAI BOTEV, ayaa sheegay in xukuumaddu dedaal ku bixisay sidii loo yaran lahaa tirada dumarka ku dhinta waqtiga Dhalmada, isagoo xusay in CARMA, waxbadan ka badashay arrintaas. Wuxuu intaas ku daray inay ka shaqayn doonaan tallaabo kasta oo lagu yaraynayo dhimashada hooyooyinka Soomaaliyeed.

Cabdifitaax Faarax Waloore oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa tilmaamay inay u doodi doonaan xuquuqda hooyada, isagoo fariin u diray xarumaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya caafimaadka in hooyadii Uur leh ee u timaada ay u tilmaamaan xarumaha loo diyaariyay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo soo xirmay munaasabadda, ayaa carrabka ku dhuftay in waqtigii la sameeyay Barnaamijkan kadib ay is-badashay tirada sannadkasta ee hooyada u dhiman jirtay Umul-raaca isagoo intaas ku daray inay sameeyeen goobo loogu talo galay in xaaladaha dumarka Xaamilada ah lagula socdo.

Cuuke ayaa hooyinka ugu baaqay inay tagaan goobaha caafimaadka waqtiga ay Uurka leeyihiin si loola socdo xaaladooda, taasina ay tahay habka kaliya ee kor u qaadi kara caafimaadka Dumarka Xaamilka ah.

Waxaa jira gabdho tiro badan oo laga keenay gobollada Puntland, kuwaasoo la baray ilaalinta hooyada, taasoo ay gacan ka gaysatay hay’adda UNFPA, waxaana kamid ah Fartuun Maxamed Muuse, oo dhigata Jaamacadda Boosaso islamarkaana si mutadawacnimo ah uga shaqayso xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Garoowe.

“Kahor inta aanan baran Umulisanimada, waxaan la kulmay hooyo Dhiig-baxaysa, ma awoodin inaan ogaado xaaladeeda, waxaa aan ku taliyay kaliya inaan dhaho ha la geeyo goobaha caafimaadka, balse maanta marka aan bartay cilmigan, waxaana awooda inaan caawiyo hooyo rafaadsan, tusaale waxaan iigu filan in la iigu yeeray hada markaana bartay cilmigan hooyo umushay oo Abidii ku jirto, waxaan awood u yeeshay inaan bad-baadiyo.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in tan iyo 2013-kii ay tababartay Gabdho gaaraya 320 kuwaasoo loo diyaariyay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada Umul-raaca hooyada.

Waddanka Soomaaliya ayaa kamid ahay meelaha ugu badan ee hooyadu ku dhimato waqtiga Foosha, taasoo loo sababeeyo arrimo Caafimaad yar iyo aqoon la’aan haysata bulshada, waxaana qiyaas la sameeyay ay tilmaamaysa in 100,000 [Boqolkii Kun] ee Dumar ah ay Umul-raacaan 732, taasoo ka dhigan in 13-dii cunug ee dhasha, waxaa dhimata hal hooyo.

IMG_0306-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0309-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0333-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0336-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0340-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0345-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0349-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0358-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0379-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0389-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0394-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0407-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0410-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0413-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0417-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0419-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0424-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0430-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0441-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0446-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0452-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0461-3.jpg?resize=600%2C400

IMG_0474-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0482-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0497-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0511-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0512-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0538-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0552-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0559-2.jpg?resize=600%2C400

IMG_0578-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0612-1.jpg?resize=600%2C400

IMG_0616.jpg?resize=600%2C400

IMG_0626.jpg?resize=600%2C400

IMG_0628.jpg?resize=600%2C400

IMG_0638.jpg?resize=600%2C400

IMG_0640.jpg?resize=600%2C400

IMG_0645.jpg?resize=600%2C400

cleardot.gif?w=1000&ssl=1

The post Puntland oo xustay Ololaha ka hortaga Umul-raaca hooyada [CARMA] appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this