Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad weyn oo ka taagan wasiiraddii uu magacaabay mujaajid Muuse Biixi.

Recommended Posts

Deeq A.   

hqdefault.jpgGuddoomiye ku xigeenka Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, ayaa sheegay in afar ka mid ah Wasiiraddii uu dhowaan magacaabay mujaahid Muuse Biixi Cabdi aanu qaarkood ka bixin dugsi sare.

Wuxuu sheegay wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gadiidka,Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, in aanu Dastuurku u ogolayn inay xilal qabtaan, isagoo sheegay inay Wasiiradda loo magacaabay Beeraha iyo Arrimaha Bulshadu aanay Dugsi sare ka bixin, halka Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Wadooyinka uu tilmaamay inuu xukun Maxkamadeed oo saddex sanno ahi ku dhacay.

Xidlhibanku, wuxuu sheegay wasiirka Gaashandhigana inuu diidan gooni istaaga Somaliland diidan yahay, xogona laga hayo. Wuxuu sheegay in Guddiyada Wakiilada ee ay khuseeyso ay ka fiirsanayaan, isla markaana aan Golaha Wakiilada loo soo gudbinayn, lana ansixinayn.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this