Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo fariin cajiiba u diray Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.

Booliska Somaliya ayaa maanta oo Axad ah u dabaalgadaya 74-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaskooda.

Muddooyinkii dambe dhalinyaro kala duwan oo aqoonyahano ah ayaa ku biiraayay ciidamada Booliska Somaliyed oo hadda ah ciidan tayo leh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo fariin cajiiba u diray Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this