Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: CC Sharmaarke oo ka hadlay xariga saxiibkiis Cabdiraxman Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai(Caasimada Online- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeenkii 3aad ku jira xabsi.

Wuxuu ugu baaqay dowladda in si deg deg ah usii dayso Siyaasiga, oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay oo kaliye inuu fekerkiisa cabiray, kana hadlay xaaladda dalka iyo daldaloolada dowlada Federaalka.

Wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa Cumar Cabdirashiid wuxuu beeniyay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka shaqeynayeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre.

“Qiyaano qaran hadii laga hadlayo ma jirto mid ka weyn in muwaadin Soomaaliyeed si qaldan loogu dhiibo dowlad shisheeye,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Eedaha qaran-dumiska dowladda ay wado ayuu sheegay inuu yahay mid khatar ku ah masiirka dalka, oo keeni karta in Soomaaliya ku laabato waxay kasoo gudubtay ee ah dagaalka sokeeye iyo colaaddaha.

Senetarka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caburiso siyaasiyiinta oo xabsiga ku dhigto eedaymo aan cadeymo loo haynin.

Hoos ka dhageyso codka Cumar Cabdirashiid 

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/b30e9c11-c325-438f-969a-90eeab2b29c2_32k.mp3

Xigasho: VOA + Garowe Online

The post Dhageyso: CC Sharmaarke oo ka hadlay xariga saxiibkiis Cabdiraxman Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this