Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi oo fariin adag usoo diray Madaxda ugu sareyso dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa wuxuu fariin u diray Madaxda dowladda Federalka Somaliya, isaga oo ka hadlay muhiimada ay leedahay sareynta sharciga dalka.

Fiqi ayaa sheegay dalka inuu leeyahay Dastuur loo baahan yahay in lagu dhaqmo, isaga oo sheegay Somaliya inay soo martay marxalad kala duwan oo ku qotonta xaaladihii dalka soo maray.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado kala ah: marxaladda Sarraynta Qoriga & marxaladda Sarraynta sharciga”. Dhib badan ka dib, waxaa laga soo gudbay marxaladdii sarraynta qoriga, waxeyna u muuqatay in laga soo kabanayay dhibaatooyinka iyo boogihii ka dhashay intaba, marka laga reebo kooxaha argagixisada & dadka xagga afkaarta kala midka ah oo weli ay ku danbeysa in caburin & qori caaradii la isku muquuniyo.”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray.

“Dalku wuxuu leeyahay dastuur dadkiisu ku heshiiyey, oo cidna aysan ka sarreyn, kaasoo qodobkiisa afraad uu qeexayo “ Shareecada islaamka ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hogaansamaysaa, wuxuu hagayaa hal-abuurka & go’aanada siyaasadeed ee qeybaha dawladda oo dhan.”

Ugu dambeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku tilmaamay tallaabooyinka maalmihii la soo dhaafay ay qaadeysay dowladda Somaliya, kuwa hareersan marsan sharciga, isaga oo sheegay cudada ciidanka Qaranka in loo baahan yahay  in lagula dagaalamo Shabaab.

“Tallaabooyinkii isku xigxigay ee maalmihii u danbeeyey socday, waxey ahaayeen kuwo sharciga & nidaamka dawladnimada hareer-marsan, waxeyna dalka u celinayaan meelo laga soo gudbey haddii ay sidaas ku sii socdaan.”

“Xoogga & cududa ciidan ee qaranku leeyahay waxaa sax ah in loo adeegsado kooxaha argagixisada ah ee alshaab oo ayagu doortay in ay xoog wax ku raadiyaan, dadka siyaasiyiinta ah ee siyaasadda madaxda hadda joogta dhaliilsan sax ma ahan in hub & awood sheegad loo adeegsado, waa in madaxdu la timaadaa qaab aan ahayn adeegsi hub iyo sharciga oo lagu tunto marka siyaasiyiintaas ay waajahayaan.

“Sharcigu ha sarreeye, qorigu ha hooseeyo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xildhibaan Fiqi oo fariin adag usoo diray Madaxda ugu sareyso dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this