Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka lagu taageerayo dhismaha wadada dangorayo iyo Eyl oo bayaan lagasoo saaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir lagu taageerayay dhismaha wadada laamiga ah ee Dangorayo iyo Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana kasoo baxay bayaan lagu taageerayo dhismaha wadadaan, dowladdana lagu garab taagan yahay.

Bayaankaan oo kasoo baxay Nabadoono, cuqaal, aqoonyahano, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro ku hadlayay magaca bulshada gobolka Nugaal gaar ahaan degaanada ay ka socoto dhismaha wadada Dangorayo iyo Eyl waxay si buuxda u taageereen qorshaha dowladdu u dajisay dhismaha wadadaas.

Qodobada ay soo saareen waxaa kamid ah, 

In si buuxda loo taageero dhismaha wadada Dangorayo iyo Eyl

In laga qeyb qaato oo diyaar loo yahay sidii gacan looga geysan lahaa dhismaha wadada.

In lagasoo horjeesto wax kasta oo carqalad ku ah amniga dhismaha wadada.

Waxaa dowladda loogu baaqay in gacan bir ah ku qabto cid alaale iyo cidii carqalad ku keenta habsami u socodjka dhismahha wadada.

Shirkada CCECC waxaa laga codsaday inay si degdeg ah ku bilowdo dhismaha wadada.

iyo qodobo kale oo lagu xusay bayaanka.

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this