Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta markale maxkmada ka soo hormuuqanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqan doona Maxkamadda Gobolka banaadir, kadib markii Maxkamadda ay xeer  Ilaalinta u qabatay in muddo 24-saac ah in ay ku keenaan cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga.

Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya ayaa siyaasiga ku eedeeyay eedo ay kamid yihiin Shirqool dowladeed,iyo u adeegidda dano Shisheeye si khalkhal loo galiyo xisiloonida dalka,isagoo abaabulay shirar iyo fadhiyo,Xeer ilaalinta ayaa codsatay  in la siiyo muddo shan maalmood balse waxaa taasi diiday Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in muddo 24-saac xeer ilaalinta ay ku keento cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo todobaadkaan gudihiisa ay ciidamadda Nabadd Sugida  hoygiisa ku weeraren islamarkaana ay halkaas ku dileen 4-kamid aheyd ilaaladiisa, isagana ay ku dhaawaceen.

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta markale maxkmada ka soo hormuuqanayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this