Deeq A. Posted December 20, 2017 Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in Al-Shabaab ay si kooban u la wareegeen Xaafado katirsan degmadaasi Afgooye oo kamid tahay xaafada Buundo yareey. kadib soo rogaal cilin ay sameeyeen ciidamada dowlada ayeey Al-Shabaab dib uga baxeen xaafadaha ay la wareegeen. ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee waxaa soo laa laabta weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadayaan Afgooye. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo Weeraray Degmada Afgooye appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites