Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Weeraray Degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in Al-Shabaab ay si kooban u la wareegeen Xaafado katirsan degmadaasi Afgooye oo kamid tahay xaafada Buundo yareey.

kadib soo rogaal cilin ay sameeyeen ciidamada dowlada ayeey Al-Shabaab dib uga baxeen xaafadaha ay la wareegeen.

ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee waxaa soo laa laabta weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadayaan Afgooye.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Al-Shabaab oo Weeraray Degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this