Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Senator Cumar Cabdirashiid,” Looma dulqaadan karo caburinta siyaasadeed ee Villa Soomaaliya wado.

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal Wasaarihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ciidanka hay’adda NISA ku qaadeen siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuuna ku tilmaamay waxa aanan loo dulqaadan Karin marnaba.

“Runtii kama aamusi karno waxyaabaha hadda socda ee lagu caburinayo siyaasada dalka, waayo haddii aan ka aamusno waxaa la aadidoono jidkii burburka Soomaaliya .” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.

Waxaa uu ka digay tilaabooyinka kheyru dastuurka ah oo ay ku dhaqmayaan madaxda u sareysda dalka, kuwaas oo laga doonayay inay iyagu dastuurka illaaliyaan.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay dowladda federalku haddii ay dacwad u haysatay siyaasigaan inay ahayd inay usoo maraan wadiiqo sax ah, laakiin wuxuu sheegay in lagu xad gudbay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee uu siyaasigano lahaa, taasoo ah inaan naftiisa lagu xad gudbin.

Wuxuu iska fogeeyay inuu isagu xilligaan ku  howlan yahay diyaarinta iyo kicinta xildhibaano doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan madaxda villa Soomaaliya.

Halkaan ka dhegayso codka.

      Cumar-c.rashiid-sharmaake-

Puntlandi.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this