Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha guud ee QM Khamiista kulan deg deg ah ka yeenaya go’aankii Trump ee magaalada Qudus.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa caawo shaaciyey in ay kulan deg deg ah Khamiista soo socota ka yeelanayan doonaan go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Isniintii,dowladda Maraykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee veto u adeegsatay qaraar qabyo-qoraal ah oo ku baaqayey in la buriyo go’aankii madaxweyne Trump ee magaalada Qudus,kaasoo ay Golaha Amniga horkeentay dowladda Masar.

Laakiin hoggaamiyaasha carabta iyo muslimiinta ayaa salaasadii Maanta mar kale dalbaday in Golaha guud ee Qaramada Midoobay ay kulan deg deg ah arrintaan ka yeeshaan Maalinta khamiista ah,si mar kale loogu codeeyo qaraarka.

193 xubnood ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay khamiista u codeeyaan qaraarkaan burinaya go’aankii madxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

PUNTLAND POST

The post Golaha guud ee QM Khamiista kulan deg deg ah ka yeenaya go’aankii Trump ee magaalada Qudus. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this