Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Wakiilada Maraykanka oo ansixiyey sharciga canshuur-dhimista.

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Wakiilada Congress-ka Mareykanka ayaa Caawo ansixiyey sharciga canshuur-dhimista oo ku kacaya $1.5 trillion Dollar,kaasoo ay soo diyaariyeen mudanaaysha xisbiga Jamhuuriga.

Sharcigaan oo canshuur-dhimis ballaaran u samaynaya dadka dabaqadda sare ee hodanka ah, ayaa haatan u gudbaya Aqalka Aqalka Senate-ka Maraykanka,waxaana haddii labada Aqalba ansixiyaan loo gudbin doonaa madaxweyne Donald Trump oo saxiixi doona.

Xisbiga Demoquraaddiga Maraykanka ayaa si weyn uga horjeeda sharcigaan oo lagu beddelayo Barnaamijkii daryeelka Caafimaadka ee Obama Care. Xisbiga ayaa sheegaya in haddii sharcigaani meel maro uu abuuri doono farqi ballaaran oo dhexeeya dadka hantilayaasha iyo saboolka dabaqadda hoose.

Haddii la meel mariyo sharcigaan wuxuu noqon doona kii ugu weynaa ee dhinaca is-beddelka canshuuraha ee lagu sameeyo hannaanka maaliyada Maraykanka muddo ku siman 30 sannadood.

PUNTLAND POST

 

The post Aqalka Wakiilada Maraykanka oo ansixiyey sharciga canshuur-dhimista. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this