Sign in to follow this  
Deeq A.

11 qof oo ku dhintey dagaal beeleed ka dhacay xuduudka Sool iyo Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal beeleed aad u qaraar oo khasaare baaxad leh geystay ayaa maanta ka dhacay xadka u dhaxeeya Gobolladda Sool,Mudug iyo Nugaal, waxaana warar madax banaan sheegayaan ugu yaraan 10 qof oo xoolo dhaqato ah inay ku dhinteen dirirta labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Colaadan oo salka ku haysa Aano qabiil oo muddo dheer ka dhexjirtey labo beelood oo kasoo kala jeeda Gobolladda Mudug iyo Sool ayaa sii xoogeysatey todobaadkii lasoo dhaafey ka dib markii la dilay tiro ka badan 10 qof oo labada dhinac kasoo kala jeeda.

Dhulka dagaalku ka socdo ayaa lagu magacaabaa Gumburka Cagaarane, waxaana maanta lagu dilay ku dhawaad 11 qof oo kasoo kala jeeda beelaha diriraya.

Ma jirto xal rasmiya oo wali laga gaarey colaada labada dhinac, waxaana marar badan fashilmay isku dayo lagu doonayay in lagu hakiyo colaada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post 11 qof oo ku dhintey dagaal beeleed ka dhacay xuduudka Sool iyo Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this