Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo warbixin kasoo saaray Tirada al-Shabaabka lagu dilay duqeynta Beerxaani & Gaadiidka laga gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo yaqaan ‘’Africom’’, ayaa war kasoo saaray duqeyn cirka ah oo ay ku qaaden degaanka Beerxaani oo dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanka la duqeeyay ee lagu magacaabo Beerxaani ayaa 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, waxaana halkaa ku sugnaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsan al-Shabaab.

Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa, sida lagu sheegay warbixinta.

Taliska waxa uu sheegay in weerarkaas aan lagu waxyeeleyn qof shacab ah, waxaana ujeedka rasmiga ah lagu sheegay ka hortaga weeraro argagixiso oo laga qorsheynayay degaankaas iyo in dowlada Somalia iyo AMISOM ay kala shaqeeyaan amaanka.

Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal.

Warbixinta kasoo baxday Taliska Mareykanka ee Africom ayaa kusoo beegmaya xili saraakiisha Ciidamada dowladda ay sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay Saraakiil ka tirsan al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay al-Shabaab oo ku aadan Khasaaraha dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay gaarsiisay maleeshiyadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo warbixin kasoo saaray Tirada al-Shabaabka lagu dilay duqeynta Beerxaani & Gaadiidka laga gubay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this