Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo baaq wadajir ah u diray Dowladda Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa Maanta magaalada Nairobi ku marti-qaaday madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka kenya.

Labada Hoggaamiye ee kulmay ayaa ka wada-hadlay qodobo ay kamid yihiin xiriirka laba-geesoodka ah ee Kenya iyo Uganda,arrimaha gobolka,dhaqaalaha iyo maalgeshiga.

Sidoo kale waxay isla-gorfeeyeen arrimaha ku saabsan xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya,iyagoo bogaadiyey hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ku tilmaameen“mid kaalin weyn ka qaatay soo celinta amniga iyo xasiloonida Soomaliya”.

Labada madaxweyne ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay mudnaanta siiso dhismaha ciidan qaran oo la wareega amniga dalkooda,markii ay baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa goobta kaga dhawaaqay in uu shir-guddoomin doono kulan ay isugu imaanayaan taliyaasha Ciidamada dalalka ay ku midaysan yiihiin AMISOM,kaasoo looga arrinsanayo horumarka laga sameeyey dagaalka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo baaq wadajir ah u diray Dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this