Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa laakiin rabitaan shisheeye in lagu xiro Somalia waa ku ceeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa, waa la maxkamadeyn karaa, waana la xukumi karaa oo waa muwaadin Soomaali ah, mana jiro qof sharciga ka weyn.

Cabdiraxmaan looma xiri karo amar Dowladd shisheeye ka yimid oo waxaa ay taasi sharaf dhac ku tahay qayimka Soomaalidda, TV-ga Al-Jazeera ee Qatar wuxuu yiri Somalia waxey qabatay siyaasi xiriir laleh Emirate-ka wuxuuna ku tilmaamay guul, marka hadii xariga Cabdiraxmaan uu Qatar guul u yahay waa qiyaano laga galay ummadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan 1:00 habeenimo in gurigiisa loo daato ,askartiisiina la laayo xaq uma lahan muwaadin ahaan, sidoo kale qaanuunka Somalia u dagsan waa kasoo horjeedaa in xiligaas qof muwaadin ah gurigiisa la galo, maalin cad ayaa loo tagi karay oo loo geyn karay hadii ay jirtay warqad lagu soo xiraayo ,sidoo kale in gurigiisii la baarto oo wixii yaalay la qaato waa gaf kale.

C/raxmaan waxaa igu maqaalo ah inuu diiday cuntadii Dowladdu u keentay sidaa darteed loo keenay cunto ay ehelkiisa iyo dad uu ku kalsoon yahay ay u keeneen.

Su’aalo weydiintiisa waxaa xaq uleh sirdoonka Somalia, warar ayaa sheegaya in sirdoon Qatar u dhashay loo geeyay oo ay wareysteen taasina waa niyad jab hadii ay dhacday, inkastoo Villa Somalia oo aan la hadlay ay arintaas beenisay.

Kulankii Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaanadda Hawiye ee loo fadhiyay xalay ilaa saakay waxaa lagu go’aamiyay in arinta C/raxmaan loo dhaafo Ra’iisul wasaare Kheyre, xildhibaan Dhagey Geele iyo xildhibaan C/laahi Goodax Bare.

C/raxmaan Cabdishakuur oo Soomaali British ah waxaa igu maqaalo ah in ragii duulanka ku qaaday gurigiisa iyo naftiisa iney hadda diyaarinayan Documents been abuur ah oo ay rabaan iney sabab uga dhigaan xarigiisa, inkastoo ay dadku ka dharagsan yihiin in lagu heysto afkaartiisa oo kulul.

Yuusuf Indhacade oo ay qaraabo yihiin C/raxmaan Cabdishakuur ayaa saakay tagay Muqdisho isagoo kasoo dhoofay Kampala markii uu casuumay madaxweyne Farmaajo, lagama garanaayo waxa uu doorkiisu noqon doono laakiin waxaa loogu yeeray arintaan taagan.

Dowladda Somalia oo dareemeysa iney culees badan iyo fadeexad kala kulantay arintaan ayaa ka codsatay waaxda garsoorka in la dadajiyo kiiska C/raxmaan Cabdishakuur.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax 
raafac22@gmail.com

The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa laakiin rabitaan shisheeye in lagu xiro Somalia waa ku ceeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this