Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo hawada ku burburiyey Gantaal Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen Riyadh

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimadda Online) – Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

Telefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in Gantaalkan lagu bur buriyay hawada, intii uu ku soo socday magaalada Riyadh.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qiiq iyo uuro cirka laga arkayay, markii gantaalka hawada lagu bur buriyay.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.

Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee maamula magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka Yemen.

 Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sacuudiga oo hawada ku burburiyey Gantaal Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen Riyadh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this