Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatarta burcad badeeda xeebaha Soomaaliya iyo Yemen oo korortay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Warbixinada dhaqdhaqaaqyada burcad badeeda Soomaalida ay ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya iyo Yemen ayaa kordhay shan jibaar 12 bilood ee ugu dambeysay, marka loo barbar dhigo sannadihii 2015 iyo 2016.

Iskudayada afduubashada burcad badeeda, ayaa si xoogan kor ugu kacay kadib afduubashadii markabkii Aris 13 bunkering tanker, kaasoo bishii march lagu afduubtay xeebaha Puntland.

Dhacdooyinka iskudayada burcad badeeda ayaa inta ugu badan waxay ka dhaceen gacanka Cadan iyo marinka Bab el Mandeb, halkaasoo maraakiibtu ugu badan ay isaga kala gudbaan.

Laakiin, weli warbixinta laguma sheegin in illaa iyo bishii Abril ee sannadkaan la afduubtay wax markab ah.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this