Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu baxsad yahay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan in uu khilaaf ka dhexjiro hoggaanka ugu sareeya Al-Shabaab,kaas oo sababay qarixii khasaaraha badan geystay ee 14,kii Octoper ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee Muqdisho.

Khilaafkaas ayay Wasaarada amnigu ku sheegtay in uu sababay in qeybo ka mid ah gobolka Gedo uu u baxsado hoggaamiyahooda Axmed Diiriye,Sidaasi Waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenk Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Xildhibaan,waxa uuna sheegay in saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Shabaab ay la soo xiriirayaan Wadaadka Muqtaar Roobow.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in madax ka tirsan Shabaab ay kulan ay yeesheen ku go’aamiyeen in dil toogasho ah lagu fuliyo hogaamiyahooda ee Axmed Diiriye

Dhowaan ayey aheed markii dadka ku dhaqan Gobolka Gedo ay sheegeen in Gobolkaa lagu arkay Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo ah Hogaamiyaha Alshabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/cabdicasiis-xildhibaaan.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu baxsad yahay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this