Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqayn ka geystay duleedka Kismaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Puntlandi) Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay dileen 8 kamid ah mintidiinta Shabaab, kadib duqayn cirka ah oo lala bartilmaameesaday gaari marayay meel 30 mayl waqooyi galbeed kaga beegan Kismaayo.

War murtiyeed uu sii daayay howlgalka Maraykanka ee Afrika, ayaa sheegay in weerarkaan lagu burburiyay gaarigaas bartilmaameedka ah, mana jiraan wax khasaare ah oo shacabka gaaray.

Maraykanka wuxuu sheegay inay sii wadayso inay isticmaalaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay ee lagu ilaalinayo muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha argaggixisada,” ayaa lagu yidhi war murtiyeedka.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu meel kasta ugu galidoono Alshabab, haday ahaan lahayd xarumaha tababarka iyo meelaha gabbaadka u ah. argigixisada ee gudaha Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this