Sign in to follow this  
Deeq A.

Intee le’eg tahay Soohdinta badda ay ku muransanyihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa uga jawaabtay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ,muranka xuduudda badda ee Soomaaliya ay soo gudbisay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya Githu Muigai,ayaa lagu sheegay in mowqifka kenya muranka soohdinta badda uu weli yahay sidiisi iyo in khilaafka lagu xallinayo wada-xaajood.

“Mowqifkaan wuxuu waafaqsanyahay heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha  iyo dhowr axdi iyo qaraarro ay samaysteen madaxda iyo xukuumadaha Midowga Afrika tan iyo 1964“,ayaa qoraalka lagu yiri.

Kaydadka Shidaalka.

Maxkamadda Hague ayaa la filaya in ay arintaan go’aan ka gaarto horraanta sannadka 2018. Caadiyan,go’aannada Maxkamaddu waxay noqonayaan kuwa lagama maarmaan iyo kama dambays ah.

Sannadkii 2014 Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda ,waxayna dalbatay in si sax ah loo xaddido soohdinta badda ee labada dal,iyadoo doonaysay in la siiyo qayb weyn oo u ceegaago shidaalka badan(Daily Nation).

Heshiisyada.

Baaxadda lagu muransanyahay ayaa gaaraysa 1000 km oo wareeg ah ,waxaana ku jira lix harawo oo shidaal ah,kuwaasoo Soomaaliya ku doodayso, in Kenya heshiis kula gashay shirkado ajnabi,inkastoo“dhammaan ama inta badan qaybtaasi ay ku taallo dhinaca Soomaaliya”.

Soomaliya ayaa cuskanaysa qodobada 15,74 iyo 83 ee heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha ee sannadkii 1982,kaasoo labada dalba ay ansixiyeen sannadkii 1989.

Laakiin Kenya ayaa sheeganaysa in aan waxba laga baddelin soohdinta badda ee ay la wadagto Soomaaliya sidii ay ahayd sanadkii 1979.

Labada dal ayaa sannadkii 2009 gaaray heshiis is-afgarad ah,kaasoo markii dambe loo bandhigay Qaramada Midoobay sannadkii 2011.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

The post Intee le’eg tahay Soohdinta badda ay ku muransanyihiin Kenya iyo Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this