Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhaxeeyay Xildhibaano iyo Rw Kheyre oo Fashil ku Dhamaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonaan karno oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay Xildhibaano katirsan Labada Aqal iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya.

Kulankaan oo ah mid ay ka codsadeen Ra’isilwasaaraha ayaa looga hadlayay Weerarkii lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanada ayaa Ra’isilwasaraaha ka codsaday in lagu soo wareejiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaga oo dhaawac ah ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen.

Ra’isilwasaaraha ayaa ka biyo diiday in Dowlada ay Xildhibaanada ku wareejiso Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

ugu dambeeyntii kulankaasi ayaa ku dhamaaday fashil iyo is fahanwaa u dhaxeeyay xildhibaanadaan labada aqal iyo Ra’isilwasaaraha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Shir u dhaxeeyay Xildhibaano iyo Rw Kheyre oo Fashil ku Dhamaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this